𝐁𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐞𝐦𝐢𝐧𝐚𝐫 𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧-𝐤𝐨𝐫𝐨𝐫𝐬𝐢
Xarunta Jaamacadda Caalamiga Horseed (𝐇𝐨𝐫𝐬𝐞𝐞𝐝 𝐈𝐧𝐭𝐞𝐫𝐧𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧𝐚𝐥 𝐔𝐧𝐢𝐯𝐞𝐫𝐬𝐢𝐭𝐲) waxaa maanta booqasho aqooneed ku yimid qaar ka mid ah ardayda sanadkan ka qalin-jabinaysa 𝐝𝐮𝐠𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐬𝐚𝐫𝐞.
Intii ay booqashada ku jireen, ardaydu waxay kormeer ku sameeyeen qaybaha kala duwan ee Jaamacadda, iyagoo xog faahfaahsan ka helay 𝐤𝐮𝐥𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚, 𝐬𝐡𝐚𝐲𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐬𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡, 𝐦𝐚𝐤𝐭𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚, adeegyada ardayda, iyo deegaanka waxbarasho ee Jaamacadda.
Sidoo kale, ardaydu waxay ka qeyb galeen seminar aqoon-kororsi oo looga hadlay muhiimadda waxbarashada sare, horumarinta xirfadaha, qorsheynta mustaqbalka, iyo sida ay ugu diyaar garoobi karaan nolosha jaamacadeed.
Booqashadan iyo seminar-ka aqoon-kororsiga ah waxay qayb ka yihiin dadaallada Jaamacadda Caalamiga Horseed ee lagu taageerayo ardayda dugsiyada sare, laguna kobcinayo wacyigooda ku aaddan waxbarashada sare iyo horumarinta xirfadaha.









































